Labo qarax oo caawa Bosaso ka dhacay

Image

May 4, 2015 (GO)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay labo qof oo kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo caawa ka dhacay isgoyska Afar-irdoodka ee xaafada New Bosaso.

Qaraxyada ayaa ka dhashay labo bam oo lagu tuuray ciidamo ka tirsan booliska oo habeenkii halkaas ka sameysta bar-kantarool oo lagu baaro gaadiidka.

Qofka geeriyoodey iyo labada dhaawaca ah ayaa dhammaantood ahaa rayid.

Waa markii saddexaad muddo saddex bilood gudahood ah ee halkaas weerar lagu soo qaado.

Mas'uuliyadda qaraxayada caawa dhacay ilaa iyo hadda cidna ma sheegan, haseyeeshee Al-shabaab ayaa horay u sheegatey weerraro badan oo sanadkan Bosaso ka dhacay.

Ammaanka magaalada Bosaso ayaa soo xumaanayey todobaadyadii u dambeeyey, waxaana xalay isla degmada Bosaso lagu diley sarkaal ka tirsanaa laamaha ammaanka.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GARWOE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM