Maalinta duumada oo laga xusey magaalada Garowe

Image

GAROWE April 25,2015 ( GO)- Xarunta wasaarada caafimaadka Garowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay xuska maalinta cududrka duumada.

Munasabadan ayaa looga hadlayay khatarta cudurka duumada leeyahay waxaana lagu soo bandhigayay halka xiligan ay marayso, barnamaijkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada caafimaadka Puntland.

Madaxa duumaada wasaarada cafimaadka ee Puntland Dr. Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa sheegay inay dadaal u galeen sidii looga hortagi lahaa xanuunada kaneecadu keento ayna 160 xarumood fureen.

Cabdikariin Xuseen ayaa tilmaamay in daawada malaariyada ka mid tahay adeegyada bilaash-ka  lagu bixiyo oo bulshadu heli karaan, waxaana uu intaas ku daray wacyi gallin wasaaradu samayso oo kali ah aan wax looga qaban karin, balse bulshadu iyagu ka hortagi karaan faafista cudurkan.

Dr. Shikh Cali madaxa  hay'ada caafimaada WHO ee Puntland ayaa  soo jeediyay dadka aqoonta u leh cudurkan inay  dadwaynuhu kala tashadaan sidii looga hortagi lahaa.

Wasiir dowlaha wasaarada caafimaadka Cabdilaahi Jaamac ayaa sheegay Puntland siyaasad cad ka leedahay hormarinta adeegyada caafimaadka, ayna qayb ka tahay sidii wax looga qaban lahaa cudurka duumada.

Cudurka duumada ayaa waxaa keenta kaneecada gaar ahaan teeda dhadig, waxaana sanad walba caalamka u dhinta dad fara badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM