​Maalinta Haweenka oo la xusay

Image

GAROWE- Waxaa maanta magalada Garowe iyo goobo kale oo kamid ah gobollada Puntland laga xusay maalinta caalimaga ah ee Haweenka Adduunka, iyadoo lagu soo bandhigay guulihii ugu dambeeyay ee dumarku ka sameeyeen siyaasadda, hormarka iyo caqabadaha hor yaalla.

Xaflado kala duwan oo ka dhacay hoolka Barlamanka, Xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC iyo Jaamacadda PSU, waxaa dhammaantood lagu maamuusay maalintaas, waxaana ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camay, xubno katirsan golayaasha dowladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wasiirka wasaradda haweenka Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin, ayaa ku baaqday in dumarku ka shaqeeyaan hormarka dalka Somalia iyadoo soo jeedisay in laga fogaado waxyaabaha khilaafka dhalin kara, waxaana taasi muujinaysay muranka ka dhex aloosan wasaaradda iyo ururka Haweenka Puntland oo dabaal daggan ku qabsaday xarunta jaamacadda PSU.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dhinaciisa si sarbeeban arrintaasi uga hadlay, ayaa ku baaqay in la isku duubnaado, taasina tahay wadiiqada kaliyaha ee hormar lagu gaari karo, wuxuuna hambalyo u diray dhammaan haweenka Somaliyeed.

Xusas kuwan lamid ah ayaa sidoo kale lagu qabtay gobollada kale ee dalka Somalia.

Maalintan caalamiga ah ee haweenka adduunka, ayaa horay loo oran jiray maalinta haweenka shaqeeya, waxaana loo dabaal dagaa sannad kasta 08 bisha Maarso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM