Maalinta Macallinka Somaliyeed oo la xusay [Dhagayso]

Image

21 November, 2015(GO)-Waxaa maanta Somalia laga maamuusay maalinta macallinka Somaliyeed oo la aqoonsaday in la xuso sannadkii 1974-tii.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw-Yuusuf Ciise, ayaa tilmaamay inay tixgalin u hayaan macallimiinta oo tilmaamay in har iyo habeen u taaganyihiin sidii dadka jahliga looga saari lahaa.

Abshir Aw-Yusuf oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sidoo kale hambalyo u diray macallimiinta meela kasta oo ay joogaan wuxuuna u rajeeyay hormar.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somailia Khadra Bashiir Cali, oo la hadashay Warbaahinta dowladda Somalia, ayaa tilmaamay in maanta oo kale ay Ummadda Somaliyeed u tahay maalinta ku weyn, maadaama la xusayo maalinta Macalika Soomaaliyeed.

“Waxaan tahniyad gaar ah u dirayaa macalimiinta Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan, maadaama ay maanta ku beegantahay maalinta macalinka Somaliyeed ee 21-November, waxaana u rajeynayaa in sanadkan kiisa kale ku gaaraan horumar, runtii bisha October waxaa jirta maalinta macalinta adduunka, balse anagu waxaan ka doorbidnay in aan maanta oo kale xusno oo ah maalinta macalinka Soomaaliyeed ” Ayay tiri Wasiir Khadra.

Tan iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdi dhexe ee Somalia, macallimiinta yaa ku shaqeeya duruufo adag iyo dhaqaalo xumo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM