Maamul kumeel gaar ah loo soo magacaabay Godob-Jiiraan

Image

May 21, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maamul kumeel gaar ah usoo magacaabay degmada Godob-Jiraab ee gobolka Nugaal.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha oo ku taariikheysan May 20, 2015 lambarkeeduna yahay Lr. 49 ayaa lagu sheegay in Yuusuf Maxamed Faarax loosoo magacaabay guddoomiyaha degmada, halka ku-xigeenkiisa loo magacaabay Siciid Faarax Cadde.

Wareegtada waxaa sidoo kale ku xusan in magacaabistan lagu saleeyey talo soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qiimeyn lagu sameeyey kartida iyo aqoonta labadaas mas'uul.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM