Maamul loo sameeyay degmada Eyl gobolka Nugal

Image

EYL-Doorasho maanta ka dhacday magalada tariikhiga ah ee Eyl ayaa lagu doortay gudoomiye iyo ku-xigeen kadib markii shalay galinkii dambe lasoo saaray liiska golaha deegaanka oo ka koobnaa 21 xubnood.

Duqa degmada Eyl ayaa markale loo doortay Muse Cisman Yusuf, halka ku xigeekiisa laga dhigay  Faysal Khaliif Wacays, mana jirin cid la tar-tantay, waxaana xusid mudan in labadaasi mas'uulba horay usoo ahaayeen hogaamiyaasha degmada.

Munaasabadda doorashada gudoomiyaha iyo ku-xigeenka golaha degaanka degmada Eyl gobolka Nugal ayaa waxaa lagu qabtay isla magaaladaas, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin kasocota wasaaradda Arrimaha Gudaha, maamulka gobolka iyo shacabka ku dhaqan magala xeebeedka taariikhiga ah.

Doorasho kadib ayaa labada hogaamiye lagu dhaariyay goobta lagu doortay, waxayna xafladda ka sheegeen inay ku faraxsanyihiin xilka loo dhiibay iyagoo u mahadceliyay golaha ku aaminay codadkooda.

Sannadkii hore ayay ahayd markii lakala diray golihii deegaanka degmada Eyl, waxaa muddooyinkii dambe socday soo xulista Xildhibaanada iyadoo ay jireen shakhsiyaad xubnaha lagu soo daray, balse ku haray shuruudihii lagu kala saarayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM