​Maamul loo sameeyay Godob-jiraan Nugal

Image

GODOB-JIIRAAN- Doorasho gacan taag ahayd oo goordhaweyd ka dhacday degmada Godob-jiraan gobolka Nugal ayaa lagu doortay gudoomiye iyo ku-xigeen kadib markii shalay lagu dhawaaqay liiska golaha. 

Jagooyinkaas waxaa u tagnaa labada gudoomiye ee sida KMG ah u hayay maamulka degmada oo lagu kala magacaabo Yusuf Maxamed Farax "Geesa-weyne" iyo Axmed Maxamed Cabdi, waxaan labaduba doorashada ku heleen cod aqlabidyad leh iyadoo ay codeeyeen 17 xubnood, waxaan cududaar ku maqnaa labo xubnood. 

Degmada ayaa ku jirtay kuwa loo yaqaano C-da, waxaan xaq u leeyihiin 17 xubnood, balse waxaa lagu daray xubno dheeri ah oo lasiiyay haween kuwaas oo lagu magacaabay xubno sharafeed. 

Khudbad hogaamiyaasha la doortay degmada ka jeediyay, ayay ku sheegeen inay ku faraxsanyihiin xilka loo dhiibay, iyagoo tilmaamay inay ka shaqayn doonaan amniga degmada, kala dambaynta iyo hormarka gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha. 

Waxay mahad-celin usoo jeediyeen dhammaan shacabka degmada iyo mas'uuliyiintii isku howlay ka qayb qaadashada dhicitaanka doorashada hogaanka sare ee maamulka Godob-jiraan. 

Degmadan ayaa markii ugu horaysay yeelatay gole deegaan tan iyo sannadkii 2007 oo Godob jiraan loo aqoonsaday inay kamid noqoto degmooyinka gobolka Nugal ka koobanyahay, waxaana degmadan caan ku tahay Beeraha iyadoo kamid ah degmooyinka dhaca xeebaha Puntland. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM