​Maamul loo sameeyay Godob-jiraan Nugal

Image

GODOB-JIIRAAN- Doorasho gacan taag ahayd oo goordhaweyd ka dhacday degmada Godob-jiraan gobolka Nugal ayaa lagu doortay gudoomiye iyo ku-xigeen kadib markii shalay lagu dhawaaqay liiska golaha. 

Jagooyinkaas waxaa u tagnaa labada gudoomiye ee sida KMG ah u hayay maamulka degmada oo lagu kala magacaabo Yusuf Maxamed Farax "Geesa-weyne" iyo Axmed Maxamed Cabdi, waxaan labaduba doorashada ku heleen cod aqlabidyad leh iyadoo ay codeeyeen 17 xubnood, waxaan cududaar ku maqnaa labo xubnood. 

Degmada ayaa ku jirtay kuwa loo yaqaano C-da, waxaan xaq u leeyihiin 17 xubnood, balse waxaa lagu daray xubno dheeri ah oo lasiiyay haween kuwaas oo lagu magacaabay xubno sharafeed. 

Khudbad hogaamiyaasha la doortay degmada ka jeediyay, ayay ku sheegeen inay ku faraxsanyihiin xilka loo dhiibay, iyagoo tilmaamay inay ka shaqayn doonaan amniga degmada, kala dambaynta iyo hormarka gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha. 

Waxay mahad-celin usoo jeediyeen dhammaan shacabka degmada iyo mas'uuliyiintii isku howlay ka qayb qaadashada dhicitaanka doorashada hogaanka sare ee maamulka Godob-jiraan. 

Degmadan ayaa markii ugu horaysay yeelatay gole deegaan tan iyo sannadkii 2007 oo Godob jiraan loo aqoonsaday inay kamid noqoto degmooyinka gobolka Nugal ka koobanyahay, waxaana degmadan caan ku tahay Beeraha iyadoo kamid ah degmooyinka dhaca xeebaha Puntland. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM