​Maamulka Bari oo barakacayaasha kala shiray ammaanka

Image

BOSASO- Maamulka gobolka Bari ayaa maanta kulan la qaatay xubno matalayay bulshada barakaacayaasha ah ee ku dhaqan xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso, waxaana kulankasi looga hadlayay ammaanka iyo qaabkii looga hortagi laha waxyaabaha keeni kara xasilooni darrada.

Axmed Cabdullaahi Cali, gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyay shirkaasi  iyo waxyaabaha diiradda lagu saaray isagoo sheegay inay isku afgarteen xaqdhowr loo sameeyo wada noolaanshaha iyo Islaanimada.

Cali, ayaa tilmaamay inay isla meeldhigeen xuquuqda dadka barakacayaasha ah ku leeyihiin gobolka Bari, wuxuuna tilmaamay inay dadkaasi leeyihiin xuquuqda ay heelaan shacabka u dhashay Puntland.

Maamulka gobolka Bari, ayaa tilmaamay in isla meeldhigeen sidii Barakacayaashu isaga dhex dooran lahaayeen 5 qof oo kamid noqda nabadoonnada gobolka, kuwaasoo laamaha ammaanka ka caawiya ilaalinta nabadgalyada islamarkaana goob joog ka noqda shirarka gobolka ka dhaca.

"Waxaa isla garanay in dadka Koonfur kayimi ha ahaadeen Digil iyo Mirifle ama ha ka yimaadeen Jubbooyinka inay noqdaan reer Bosasood, waa dadka gobolka u dhashay intaas oo sano daganaa carruurtooda xitaa qayb ayaan aqoon Af-Mayga sababtoo ah halkaan ayay ku dhasheen Iskullada ayayna dhigtaan,"Sidaasi waxaa yiri gudoomiye ku-xigeenka gobolka Bari.

Maaha kulankii ugu horaysay ee dhexmara maamulka gobolka Bari iyo barkacayaasha ku dhaqan xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli la adkeeyay ammaanka Puntland iyadoo laga hortagayo falal amni darro ay fuliyaan kooxaha nabad diidka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM