Maamulka degmada Garowe oo xaflad caleemo saar sameystey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

12 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe lagu qabtey xaflada lagu caleemo saarayay mas'uuliyiinta maamulka degmada Garowe oo dhawaan ku soo baxay doorasho ka dhacday magaalo madaxda Puntland.

Xafladda waxaa ka qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wasiiro, xildhibaano, waxgarad iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Munaasibaddan oo saacado socotay ayaa looga hadlay arimo ku saabsan isbadalkii dhawaan dhacay magaalo madaxda taasoo doorashada loogu doortey  hoggaanka cusub ee degmada Garowe iyo qaabkii loo sameyn lahaa hormar.

Guddoomiyaha degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise "Goodir" oo maanta is-caleemo saarey ayaa sheegay inuu degmada ka hirgalin doono mashaariic kala duwan oo isugu jirta waddooyin cusub, Layrar lagu xiro goobaha muhiimka iyo sidii caasumadda loogu heli lahaa maalgashi.

Waa markii ugu horeysay oo la caleemo saaro guddoomiye degmo taariikhda Puntland, lama oga inta uu le'egyahay kharashka ku baxay xafladdan maadaama bilihii ugu dambeeyey uu yaraa dakhliga soo gala degmooyinka Puntland

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM