Maamulka Garbahaarey oo ka hadley weerarada

Image

GARBAHAREY: Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa duqaymo ka gaystay mar kale diyaaradaha ciidamada Kenya.

Maamulka degmada Garba-haaray oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay duqaynta diyaaradaha Kenya ay wali ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaas.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Gar-bahaaray Cabdi Barre Maxamed ayaa ka waramay xaalada dadkii ka barakacay deegaanada duqayntu ka dhacday iyo kuwa Ceel-cadde oo ciidamada Kenya shalay ka baxeen.

Duqeymahaan ayaa yimid kadib markii ururka Al-shabaab Jan 15,2016 weerarey ciidamo ka tirsan dalka Kenya kuwasoo saldhig ku lahaa degaanka Ceelcad.

Kenya aay waxaa kasoo bixin tafaasiil ah rasmiya oo halkaas lagaga diley balse ururka Al-shabaab ayaa sheegtey iney askar gaareysa 100 ku dileen weerarkaas halka gaadiid iyo saanad ku qabsadeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM