Maamulka gobolka Nugal oo mamnuucay shirarka shacab ee doorashada 2016

Image

14 November, 2015(GO)-Gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullahi Faroole, oo maanta warbaahinta kula hadlayay magalada Garowe, ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin shirar shacabku qabsadaan oo looga hadlayo doorashada 2016 in lagu qabto gobolka.

Cumar, aya tilmaamay in dad lacago la soo siiyay la wareegayaan kulamo dadka ku weydinayaan doorashadu ma waxay noqonaysa 4.5, mise gobollaysi, taasina wakiil uga tahay shacabka xukuumadda Puntland

Waxa uu digniin u diray maamullada hotellada oo uu sheegay inaysan hawshaasi lagu qaban karin rugahooda.

Cidii amarka maamulka u hogaansami weyda ayuu xusay inay la tiigsan doonaan sharciga.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli magalada Garowe ka dhaceen kulamo ku saabsan aragtida shacabka ee doorashada 2016.

Dowladda ayaa dhinaceeda wadata shirar looga hadlayo doorashada, waxaana shanta maalmood ee soo socota Puntland lagu qaban doonaa wadatashiyo ku aadan geedi socodka doorashooyin la qorsheeyay inay dalka ka dhacaan 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM