Maamulka gobolka Nugal oo waddooyin baneeyay degmada Burtinle

Image

12 November, 2015(GO)-Maamulka gobolka Nugal, ayaa degmada Burtinle ka wada barnaamijyo lagu hormarinayo degmadaasi, waxaana la billaabay bur-burtinta gurhayaha sida sharci darrada u dhisan.

Barnaamijkan, ayaa looga dan leeyahay sidii degmada Burtinle loogu samayn lahaa waddoyin laami la saaro, kuwaasi oo qayb ka noqonaya mashruuca hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Shacabka guryahoodii la dumiyay, ayaa soo dhaweyay tallaabadan, waxayna ku sheegeen inay tahay mid danahooda lagu hormarinayo, waxayna shacabka kale ugu baaqeen inay u hogaansamaan amarka dowladda.

Maamulka ayaa sidoo kale baneeyay xirmo daaqsimeedyo laga sameeyay degmada,waxana arrintaasi gacan ka gaystay shakhsiyaadka markii hore ootay, kuwaasi oo xusay inay ka tanaasuleen.

Gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi, ayaa shacabka degmada Burtinle ku amaanay kaalinta ka qaateen hormarinta deegaankooda, wuxuuna xusay inaysan jiri doonin dhul la xirmaysto degmadaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii degmada Burtinle loo dhisay maamul cusub, ka dib markii golihii hore la kala diray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM