Maamulka Sarmaayo oo eedeyn u jeediyey hay'adda HADMA

Image

January,13, 2015 (GO)- Maamulka Degmadda Sarmaanyo ayaa cabasho ka muujiyay qaabka loo maamulay deeq hay'adda HADMA gaarsiisey deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Gudoomiyaha Degmadda Sarmaanyo Cawil Cabdulaahi Nuur ayaa Radio Garowe usheegay in aan si siman loo qaybin raashin qayb ka ahaa deeqda kaasoo deegaanada qaar lasoo gaarsiiyey qaar kalena aan la keenin.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u diray dowladda gaar ahaan hay'adaha arintaasi khuseyso isagoo codsaday in hadda kadib wixii soo baxa si siman loogu qaybiyo bulshada.

Dhanka kale Agaasimaha hay'ada HADMA oo isaguna la hadlay Radio Garowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta kasoo yeertay maamulka degmada Sarmaanyo.

Agaasimuhu wuxuu intaas ku daray in deeqda la gaarsiiyey gobolka Sool ka koobnayd dhar iyo macuun balse deeq raashin ahi ku jirin loon qaybiyey si siman.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM