Maamulka Telefishinka PL oo loo wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta

Image

March 18, 2015 (GO)- Telefishinka Dowladda Puntland oo horay agaasinkiisu madaxtooyada u hoos tegi jirey ayaa hadda kadib waxaa maamuli doonta Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay in telefishinka iyo idaacadda dowladda wixii hadda ka dambeeya maamulkooda loo wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta.

Lama oga sababta xilligan kusoo beegtay in maamulka telefishinka lagu wareejiyo Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland.

Telefishinka iyo idaacadda Puntland oo dhaqaalaha ku baxay intiisa badan Dowladda Talyaanigu bixisey waxaa la furey April 2013.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM