Maareeye ku xigeenkii shirkadda Golis oo Bosaso lagu dilay

Image

BOSASO, Puntland- Maareeye ku xigeenkii shirkadda Golis ayaa goordhaweyd lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah. 

Cabdullaahi Cali Cumar ayaa dablay ku hubasayn Bastoolado waxay ku dileen dhabarka dambe ee xarunta shirkadda Golis salaadii Cishe kadib.

Lama oga sababta loo dilay iyo cidda ka dambaysay falkaas.

Ilaa hadda dhacdadana kama aysan hadlin maamulka gobolka Bari, laamaha ammaanka iyo shirkadda uu katirsanaa mas'uulkaas. Amniga magaalada Boosaaso ayaa aad u jilicsan iyadoo dhowaan RW Soomaaliya oo qorsheynayey inuu booqasho ku tago magaalada Boosaso hay'adaha dowlada kula taliyeen in waqtigaan ay jiraan cabsiyo la qabo.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ayaa goobta soo gaaray, waxayna nawaaxiga goobta dilku ka dhacay ka sameeyeen baaritaano.

Maaha markii ugu horaysay dilka caynkan ah uu ka dhaco magaalada Boosaaso, waxaana falalka dilalka Qorshaysan iyo qaraxyada isugu gaysta kooxaha argagixisada ah ee ku jira buuraha Gobolka Bari ee Shabaab iyo Daacish.

Kooxahaan ayaa si xor ah u bartilmaameedsada qofka ay rabaan iyadoo hay'adaha amniga aysan marnaba ku guuleysan bur-burinta shabakada dilalka qorsheysan ka gaysata magaalooyinka Puntland gaar ahaan Boosaso iyo Galkacayo.

Madaxweyne Gaas oo dhowaan xilka ka qaadey taliyihii ciidamada Sirdoonka ayaa weli magacaabin Taliye cusub iyadoo wararka GO helayo sheegayaan inuu balan qaad badan u sameeyey dad fara badan sidaas darteed uu ka gaabsadey inuu ku deg deg magacaabista sarkaal cusub.

Faah faahinta warkaan dib ayaan idiin ka soo gudbin doonaa hadii ALLE Idmo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM