Madaafiic lagu riday Laascaanood iyadoo loo dabaaldagayo maalinta bini'aadantinimada

Image
SAWIR HORE

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Puntland oo kaashanaysa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ayaa si wada jir ah u xusay maalinta caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Munaasabadan ayaa diiradda lagu saaray wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah ee gobolka Sool iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan ee gobolkaas ku nool.

Maalinta bini'aadantinimada aduunka ayaa ku soo beegantay iyadoo maanta madaafiic lagu garaacay shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood, kuwaasoo geystay khasaare aan weli la shaacin baaxadeeda.

Shacabka magaalada ayaa la soo deristay xaalad nolol xumo iyo duqeymo joogta ah oo ay geysanayaan ciidamo taabacsan madaxweyne Muuse Biixi.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana Beesha Caalamku waxay iska indha tireysaa dambiyada arxan darada ah ee lagu hayo shacabka ku dhaqan magaaladaas oo maanta u baahan in loo gurmado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM