Madaxweynaha PL oo booqanaya fariisimaha ciidanka ee Galgala

Image

December 2, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago saldhigyada ciidamada Daraawiishta iyo kuwa nabad-sugidda Puntland ku leeyihiin buuraleyda ku xeeran degmada Galgala.

Waa booqashadii labaad ee Cabdiweli Gaas tan iyo markii la doortay uu halkaas ku tago isagoo markii ugu horeysey booqday fariisimaha ciidamada ammaanka Puntland ee Sugurre March 25, 2014.

Booqashadan ayaa kusoo aadeysa xilli ciidamadu wax horumar ah sameyn laga soo bilaabo October 1, 2014 markaasoo ay la wareegeen saldhigyadii muhiimka ahaa ee kooxda Al-shabaab ku lahayd buraleyda ku xeeran tuulada Galgala.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa ku dhuumaaleysanaya dhulka fog ee koonfur-galbeed Galgala kaga beegan, dhulkaasoo ah buurley hawd ah oo ay adag tahay ciddii gasha in si fudud looga saaro.

Gaas ayaa mudada uu halkaas ku sugan yahay u kuurgeli doona xaaladda ciidamada isalmarkaana warbixino ka dhegeysan doona saraakiisha ciidamada hoggaamineysa gaar ahaan taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Jen. Siciid Dheere.

Booqashada Madaxweynaha waxaa ku weheliya wasiirro uu kamid yahay Wasiirka Amnigu, saraakiil ciidan iyo weliba mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari.

Dowladdii hore ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Farole hoggaaminayey ayaa dagaallo xooggan kooxda Al-shabaab deegaanadaas kula gashay isalamarkaana kasoo hoydey guulo waaweyn.

Waxaa xusid mudan in saldhigyada ciidamada ee buuraleyda Galgala muddo todobaadyo ah ku sugnaayeen islamarkaana hogaaminayeen ciidamada Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamed Cali Shire  iyo Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilko-jiir.

GAROWE ONILNE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM