Madaweynaha Somalia oo berri kusoo wajahan magaalada Garowe

Image

GAROWE April 27,2015 ( GO)- Wararka aan ka helyno xubno ka tirsan dowlada Puntland ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh maalinta berri ah April 28, 2015 booqasho labo cisho qaadaneysa ku imaanayo magaalada madaxda Puntland ee Garowe.

Booqashada madaxweyne Xasn Shiikh ayaa wararkaan sheegayaan inuu kaga qayb gali doona magaalada Garowe kulankii labaad ee dhexmara madaxda maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka kasoo imaanaya xilli uu socdo shir maamul goboleed loogu dhisayo gobolada Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh oo dabada ka riixayey shirweynaha maamul u sameynta gobolada dhexe ee Somalia ayaa rumeysan in Gobolka Galgaduud iyo mudug ka dhismi doono maamul goboleedkaan.

Dhinaca kale dadweynaha Puntland ayaa waxaa ku jira guux weyn kasoo kaga hadlayaan saameynta ay ku yeelan karto gobolka Mudug qorshaha rasmiga ah ee dowlada Federaalka ka leedahay maamul u sameynta gobolada dhexe ee Somalia.

Magaalada Galkacayo ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka socdey shirar dadweynaha degan gobolkaas uga arinsanyaan shirka gobolada dhexe loogu dhisayo maamul goboleedka.

Kulanka la filayo in maalmaha soo socda uga furmo magaalada Garowe madaxda Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo dowlada Federaalka Somalia ayaa shacabka Puntland dhagaha u tagayaan in qodobkaan lagaga hadlo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM