Madaxda Puntland oo diidey shaqo joojin lagu sameeyey Taliyihii Qaybta Barri

Image

BOOSAASO- Kadib markii maanta Feb 8,2018 guddiga Nabad galyada gobolka Barri shaqada ka joojiyeen Taliyaha qaybta Booliiska Halkaan ka akhri  ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxda sare ee Puntland (Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa) diideen go'aanka siyaasiyiinta dowlada kaga jirta gobolkaas.

Madaxweynaha Puntland oo la hadlay qaar ka tirsan xubnahaan ayaa wararku sheegayaan inuu ku yiri kama joojin kartaan halka dhinaca kale uu ka shanqariyey in guddi loo xilsaarayo soo baara eedymaha loo jeedinayo Taliyaha qaybta booliska gobolka barri.

Wararka GO helayo ayaa sheegaya in labadaan mas'uul gobolka Barri u soo direen Taliye ku xigeenka Booliska cusub ee dhowaan Madaxweyne Gaas magacaabey " Afdalow" iyo Wasiirka amniga sidii arinkaan wax uga ogaan lahaayeen.

Xubnaha guddigaan ayaa sida aan xogta ku helyno go'aankooda ku adkeysanaya iyagoo diidey iney la shaqeeyaan Taliyahaan lagu eedeynayo ku takrifalid awoodeed.

Taliyaha qaybta ee shaqada laga joojiyey Cabdixakiim Xuseen Yuusuf ayaa sida aan kasoo xiganey qaar ka tirsan ciidamada Booliska oo diidey magacooda ayaa habeenkii weerarka loo gaystey Saldhiga Dhexe aan gurigiisa kasoo bixin iyadoo warar qaar sheegayaan in uusan booqan isbitaalka la geeyey dhaawaca ciidamada weerarkaan waxyeelada kasoo gaartey.

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa waxaa laga dareemayaa xiisad u dhexeysa Taliyaha shaqada laga joojiyey iyo madaxda gobolka iyadoo jidadka lagu arkayo  Cabdixakiim Xuseen Yuusuf iyo ciidamo uu wato oo wareegaya wadooyinka halka Gudoomiyaha gobolka la sheegey iney ilaaladiisa gaarka ah uu xoojiyey.

Madaxweynaha Puntland iyo Taliyaha qaybta oo isku beel hoose ah ayaa waxaa horey dacwad uga gudbiyey dadweynaha gobolka Barri iyo siyaasiyiinta balse arinkaas ayuu ku gacan sayrey iyadoo talaabada shaqada waqtigaan looga joojiyey ka dhigeysa mid kor u qaadeysa xiisada gobolka oo horey u kacsaneyd.

Kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysta gobolka Barri ayaa ka faa'ideysta khilaafyada noocaan ah iyadoo amaanka magaalada Boosaaso ahaa mid aad u liita markii hore kadib markii hay'adaha amniga gobolka iyo Puntland guud ahaan noqdeen kuwo fadhiid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM