Madaxda Puntland oo kulan wadatashi la yeeshay bulshada Garowe [Dhagayso]

Image

28 December, 2015(GO)-Waxaa maanta lagu qabtay magalada Garowe kulan wadatashi oo u dhaxeeyay madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana looga hadlay doorashada dalka Somalia ka dhici doonta 2016.

Shirka oo saxaafaddu dibadda ka joogtay ayaa socday muddo saacado ah, waxaana la isku dhaafsaday xog ku saabsan qaabka ugu haboon ee doorashada lagu wajihi karo, iyadoo madaxdu soo bandhigeen warbixinno ku aadan waxyaabihii ay kala soo kulmeen shirkii Muqdishu.

Wasiirka wasaaradda Degaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo warfidiyeenka la hadlay kulanka kadib ayaa kawaramay waxyaabihaa madaxda iyo shacabku isweydaarsadeen, wuxuuna sheegay in shirkaasi daba socday kulamo dowladdu kula tashanayso bulshadeeda, kuwaasi oo ku wajahan doorashada sannadka dambe.

Cali Cabdillaahi ayaa tilmaamay mudadi ay kulanka ku lahaayeen PDRC in shacabku u soo bandhigeen talooyin islamarkaan dowladdu u gudbisay warbixinno ku saabsan habraaca doorashada ee lagu go'aamin doono magalada Kismayo.

Shirkan dowladdu ugu yeertay watashiga ayaa ku soo beegmaya xilli dadweynuhu ka cabsi qabaan qaadasha nidaamka qabaliga ah in lagu soo dhiso dowladda imaan doonta 2016, waxaana Puntland horay uga dhacay dibad baxyo ka dhan ah 4.5.

Dowladda Puntland ayaa horay u sheegtay inay tixgalin doonto rabitaanka shacabkeeda, waxaana jira cadaadis uga imaanaya dowladda Somalia taasoo taageersan habka wax ku qaybsiga beelaha, lamana saadaalin karo in go'aanka Puntland wax iska badali doono iyo in kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM