Madaxda Puntland oo qaabishay 13 jir farsamooyin soo bandhigay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

04 January, 2016(GO)-Madaxda Puntland oo weheliyaan xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa kulan dhiiri galin ah la qaadatay will da'yar oo dhawaan degmada Buuhoodle ku soo bandhigay farsamooyin uu ku matalay diyaarad iyo gawaarida noocyadooda kala duwan.

Kulanka oo ka dhacay madaxtooyada Puntland ayaa Guuleed Aadan Cabdi oo jira 13-sanno madaxdu ugu sameynayeen dhiiri galin iyo inuu sii wato waxbarashadiisa maraysa heerka saddexaad ee dugsiga hoose.

Guuleed ayaa soo bandhigay aalado macmal oo laga sameeyay caagado iyo agab kale kuwaasi oo ku matalay gawaarida sida; Xamuulka, diyaard iyo marawaxad wuxuuna alladan sameeyay isagoo adeegsanaya daynabooyin iyo fiilooyin uu kasaaray ashyaa la tuuray.

Wiilkan oo ka dhashay qoys danyar ah, aabihiisna geeriyooda ayaa laga soo kaxeeyay degmada Buuhoodle xarunta gobolka Cayn, waxaana arrintani timi kadib markii labaahiyay muqaalo katurjumaya farsamooyinkiisa. 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulanka lagu dhiiri galinaya Guuleed ka hadlay ayaa sheegay inuu wiilkan leeyahay maskax fiican isagoo ALLE uga baryey cimrigiisa inuu u barakeeyo, aqoontiisana u siyaadiyo, isagoo arrinta ku tilmaamay mid layaab leh. 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camay ayaa goobta ka sheegay inay meel saari doonaan waxbarashada Guuleed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM