Dhageyso: Kulan dhexmarey markale Puntland iyo Galmudug

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

04 December, 2015(GO)-Waxaa maanta mar kale garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee Galkacyo lagu qabtay kulan u dhaxeeya Madaxda Puntland iyo Galmudug oo weheliyaan saraakiisha ciidamada is horfadhiya ee ku sugan xarunta gobolka Mudug.

Kulanka labada dhinac, waxaa ku soo biiray culimaa'udiinka labada dhinac, kuwaasi oo uga waramay mas'uuliyiinta cawaaqib xumada ka dhalan karta Aakhiro iyo Adduunka qofkii dila qof muslim ah.

Dowladda Federalka iyo maamulka Jubabaland aya arrintan dhexdiyaal ka ah, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen inay hirgalin doonaa hishiisyada labada maamul kala saxiixdeen.

Shirkan ayaa saxaafaddu dibad joog ka ahayd, waxaana waxyaabihii ka soo baxay warbaahinta uga waramay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka Somalia Cabdiraxmaan Odowaa, isagoo tilmaamay in dhammaan ujeedkii shirka la isku afgartay.

Odowaa ayaa sidoo kale xusay, in galabta la kala qaadayo ciidamada labada maamul isla markaan Madaxdu tagi doonaan meelaha ciidamadu isku horfadhiyaan.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli shalay magalada ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ka dib hishiis lagu kala saxiixday garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM