Madaxdii hore ee dalka oo ku soo wajahan Garowe

Image
Garowe ayaa la filaya inay ka soo ifbaxdo madal siyaasadeed oo mucaarad ah, kuwaas oo miisaan culus ku leh dalka

Garowe, Soomaaliya - Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynayaashii hore ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ay isku diyaarinayeen inay maanta u ambabaxaan magaalada Garowe.

Safarkan ayaa bilaw u noqonaya wada-hadallo siyaasadeed oo loo dhan yahay, oo ay ka qeyb gali doonaan saamilayda siyaasadeed, iyadoo laga jawaabayo martiqaadkii madaxweyne Saciid Cabdallahi Deni ee bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

Galka dastuurka ayaa la siin doonaa mudnaan gaar ah inta ay socdaan wadahadalladan, maadaama dhinacyada siyaasadda ay isku haystaan hannaanka wax ka bedelka dastuurka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si buuxda u diidan hanaanka uu Baarlamaanka u marayo wax-ka-beddelka dastuurka iyaga oo ku sifeeyay in la qorayo dastuur, isla markaana aan la isku waafaqsaneen maadaama ay Puntland ka maqantahay madasha wadatashiga Qaranka.

Dalku waxa uu galayaa marxalad cusub, iyadoo la filayo in Garowe ay ka soo ifbaxdo madal siyaasadeed oo mucaarad ah, kuwaas oo miisaan culus ku leh dalka, kana soo horjeeda dadaalka maamulka talada haya ee dardargelinta hanaanka dhameystirka dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM