Madaxtooyada Puntland oo beenisey waraaq been abuur ah

Image

May 17, 2015 (GO)- Madaxtooyada Puntland ayaa beenisey warqad la sheegay inay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu baahiyey baraha bulshadu ku wada xiriirto gaar ahaan Facebook.

Warqadda oo loo qorey qaabka digreeto, waxaa lagu sheegay in lakala direy golaha deegaanka ee degmada Garowe isalmarkaana xilka laga qaadey duqa degmada Garowe.

Sida Garowe Online xog hoose ku heshay, waxaa qoraalkan been abuurka ah baahiyey xubno xil doon ah oo muddooyinkii u dambeeyey ku wareegayey xafiisyada madaxtooyada.

Wararka ayaa dhinaca kale sheegaya in saraakiisha madaxtooyada gaar ahaan afhayeenka xafiiska madaxweynaha beeniyey qoraalkaan kadib markii lagala tashadey Mud.Cabdiweli Gaas. 

Kala diris xilligan lagu sameeyo xildhibaannada Golaha Deegaanka Garowe ayaa ah mid aan wax micne ah sameyn doonin maadaama waqtigiisu ku egyahay bisha August ee soo socota, markaas oo loo dooran doono gole deegaan oo cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM