Madaxtooyada Puntland oo lagu eedeeyey iney abaabusho tumashada [ Daawo]

Image

BOSSASO- Barnaamij Nadwo ah oo magaalada Bossaso ku qabteen Culimada fadhigoodu yahay xarunta ganacsiga ee maamulka Puntland ayaa waxaa laga sheegey in xarumaha Dowlada laga soo aabaabulo barnaamijyada tumashada.

Culimada ayaa sheegtey in barnaamijyada fanka ee ku soo kordhaya wayadaan dambe Puntland lagu qabto xarumaha dowlada sida Madaxtooyada, xarumaha gobolada, degmooyinka iyo goobaha kale ee Dowlada.

Nadwadaan ayaa laga sheegey in barnaamijyada fanka ee ka socda Puntland  aan lagu qaban ama ay soo abaabulin qaybaha kale duwan ee shacabka ama  shirkadahiisa ganacsiga. 

Waddaada diinta ayaa sidoo kale eedeyey soo dhoweynta dhowaan degmooyinka Puntland loogu qabtey kuwasoo ay la socdeen bandhig faneedyo loogu dabaadagayo guulahaas. 

Hadalka Culimada ayaa imaanaya xilli ay diideen dhowaan bandhig faneed fanaanada Nateexo Indho ku qabaneysay magaalada Garowe.

Eedeymaha cullimada ayaa waxaan weli ka jawaabin Wasaarada caddaalada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo xubno ka tirsan xafiiskiisa ka mid yihiin  bahda fanka ayaa muhiimad gaar ah siiya barnaamijyadaan loo soo jeedinayo eedymahaan.

HALKA KA DAAWO BARNAAMIJKA CULIMADA- XIGASHO SBC

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM