Madaxwaynaha Gaas oo ka hadlay dhismaha maamulada [Dhageyso]

Image

KISMAYO Sept 13,2015 (GO)- Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad uu ka jeediyey madashii caleema saarka Madaxweynaha dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaan "Madoobe" wuxuuna diirada ku saaray arrimaha dhismaha dawlad gobaleedyada, Siyaasada, Amaanka iyo horumarka dawladda Jubbaland ay sameysay ilaa hada.

Madaxweyne Gaas wuxuu balan qaaday in ay taageero siin doonaan Jubbaland, ayna qeyb lixaad leh ka qaadan doonto Puntland sidii dib loogu dhisi lahaa Hay’adaha dawliga ee dawladda Jubbaland.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo si weyn uga hadlay arrimaha Siyaasada ee dalka, oo uu sheegay in ay marayso meel xasaasi ah loona baahan yahay in dhinacyada Soomaalida oo dhan ay hal dhinac arimahan uga soo wada jeestaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM