Madaxweyn Puntland oo aqabaley go'aankii xasaanada lagala noqdey xukuumadiisa [Dhageyso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu hogaansanayo go'aankii Barlamanka uu xasaannada kaga qaaday golaha wasiirrada wuxuuna sheegay inuu muddada uu Dastuurku u ogol yahay uu ku soo dhisayo wasiiro cusub.

“Sida aad la wada socotaan waxaa maanta oo talaado ah bishunta tahay 18 July 2017  golaha Barlamanku Puntland uu xasaannadii kala noqdeen golaha wasiirada taasoo ah arrin Dastuuriya oo wajibaadkooda shaqo ka mid ah” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa intaasi raaciyey maddada uu u ogol yahay Dastuurka isagoo raacaya inuu soo magacaabo gole wasiiro ah oo cusub isagoo xusay inuu kala tashanayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Saxaafadda ayaan loo ogolaan inay wax su'aalo ah  Madaxweynaha waydiiyaan taasoo aysan sababayn sarakiisha Madaxtooyadu iyagoo codsigan jeediyey ka hor inta uusan bilaaban shirka jaraa'id .

Amaanka ayuu ku booriyey inay adkeyaan ciidamada amaanka iyo qaybaha bulshada .

Weli arrintan kama aysan hadlin golaha wasiirrada ee kalsoonida lagala noqdey. 

Madaxweyne Gaas ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey golihiisa xukuumada xasaanada lagala noqdo si guud.

Halkaan ka dhageyso hadalka Madaxweyne Gaas 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM