​Madaxweynaha Gaas oo la kulmay wafdi kasocda Bangiga Adduunka

Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 18-June-2016 xafiiskiisa Garowe, ku qaabilay wafti ka socdey xarunta Bangiga adduunka ee Washington oo uu hoggaaminayo Provel Kumar.

Ujeedka socdaalka waftigaan ayaa salka ku hayey horumarinta siyaasadda dhaqaalaha  iyo dib usoo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Waftiga ayaa sidoo kale waxa ay kulmo la qaateen wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta, Rugta ganacsiga Puntland iyo hay’adda maal-gashiga Puntland ee PIDA, waxaana ay kala hadleen sidii loo sii  horumarin lahaa dhaqaalaha Puntland ee kobcaya iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya.

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ku ammaanay hannaanka siyaasadda horumarinta dhaqaalaha  ee uu wado Bangiga Adduunka, wuxuna sheegay in arrintaasi sahlayso sidii hay'ado badan ugu soo dhiirran lahaayeen Puntland.

Gaas, ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay sidii ay u xoojin lahayd xiriirka iyo wadashaqaynta kala dhaxaysa Banigag Adduunka, isagoo ku booriyay inay dhankooda xiriirka kor u qaadaan.

Socdaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Bangiga Addunka uu Puntland ka taageerayo dhinaca tayaynta shaqaalaha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM