Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Godoonka Barlamaanka

Image

May 17, 2015 (GO)- Maalmo kaddib markii qaar kamid ah xildhibaannada Barlammaanka Puntland soo gudbiyeen qoraal ay ku dalbanayaan kal-fadhi deg deg ah si looga arrinsado xaalado taagan oo ay ku tilmaameen kuwo xasaasi ah, ayaa maanta waxaa Garowe ku kulmey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Gudoonka Barlamanka Puntland. 

Mas'uuliyiintaan oo wada qaatey kulan quraac ahaa ayaa si qoto dheer isula gorfeeyey dalabka xildhibaannada, sababta xilligan kusoo beegtay iyo weliba suuragalnimada in kal-fadhi deg deg ah la qabto maadaama ay muddo koobani ka dhiman tahay waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 35aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Kulankaan ayaa sidoo kale lagu wada hadalsiiyey Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka iyo madaxweyne ku-xigeenka kadib markii muddo isku khilaafsanayeen xubinta buuxineysa halkii ay baneysay xildhibaan Saado Cali.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale galabta kulan la qaadan doona xildhibaannada dalbanaya kal-fadhiga deg deg ah, wuxuuna kala hadli doonaa arrimo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM