Madaxweynaha Jubaland oo kusoo wajahan magaalada Garowe

Image

July 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wafdiga Jubaland ayaa muddada ay Garowe ku sugan yihiin la kulmi doona madaxda ugu sarreysa Puntland, isimmada iyo qaybaha kale ee bulshada.

Arrimaha ugu muhiimsan ee kulammadaas diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah: hirgelinta nidaamka federaalka, maamulka Cadaado iyo; xiriirka Puntland iyo Jubaland kala dhexeeya Dowladda Federaalka.

Dhanka kale, warar aan la xaqiijin oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha Jubaland ka qayb qaadan doono xal u helista xiisadda ka tagan deegaanka Qarxis, halkaas oo muddo saddex asbuuc ah isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidan kale oo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse hoggaaminayo.

Jubaland ayaa dhowaan shaacisay inay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii Baarlammaanka Federaalku u codeeyey in baarlammaanka Jubaland yahay mid lagu soo dhisay qaab aan sharci ahayn.

Waa markii labaad intii lagu guda jirey sanadkan 2015 ee Madaxweynaha Jubaland  booqasho ku yimaado Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM