Madaxweynaha maamulka Galmudug oo ka baaqdey Bosaso

Image

Jan 7,2015 (GO)- Wararka wasridaha Garowe online helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ka cududaartey qorshe magaalada Bosaso ku imaan lahaa madaxweynaha maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Jubaland ayaa qorsheynayey in madaxweynayaasha maamulka Galmudug iyo Puntland kulamaan inta ka horeysa kulanka la filayo in bisha January 10,2016 ka dhaco magaalada Kismayo.

Xogtaan ayaa sheegeysa in qorshaha madaxweynaha Galmudug kaga soo qayb gali lahaa munaasabada furitaanka garoonka diyaardaha Bosaso uu sidoo kale wax ka ogaa madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Xasan Shiikh.

Warsidaha Garowe online ayaa ogaadey in diyaardii kasoo qaadey madaxweynaha Jubland magaalada Kismayo oo ku hakatey Cadaado in dulaamaadkeeda ugu dambeeya ku wajahnaa magaalada Bosaso balse wax iska badleen.

Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu noqdey magaalada Kismayo ayaa wararku sheegayaan inuu u diyaar garoobayo kulanka la filayo in madaxda Somalida uga furmo maalmaha soo socda.

Kulankan ayaa waxaa laga baqayaa in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed qaadaco kasoo qayb galkiisa madaama diidmo kaga timid qaybo ka tirsan shacabka gobolka Bakool.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa aaminsan in maamulada Puntland iyo Jubaland ka dambeeyaan ku dhawaaqista maamul loo magac darey Bakool sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM