Madaxweynaha maamulka Galmudug oo ku wajahan Bosaso

Image

Jan 6, 2016 (GO)- Wararka wasridaha soo gaaraya ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Galmudug ku soo wajahan yahay magaalada Bosaso isagoo halkaas kaga qayb galaya munaasabad lagu furayo garoonka diyaaradaha cusub ee magaladaas.

Safarka madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa waxaa ku weheliya madaxweynaha Jubaland Axmad Madoobe oo maanta booqasho ku yimid magaalada Cadaado halkaas oo xarun ku-meel gaar ah u ah maamulkaas.

Cabdikarim Xusen Guuled aya safarka uu ku imaanayo Puntland ayaa noqonaya ah kii ugu horeeyey uu ku yimaado magaalada Bosaso tan iyo intii loo doortey madaxweynaha maamulkaas.

Magaalada Bosaso ayaa waxaa kusoo qolqulaya wafuud ka socota Puntland, dowlada Federaalka iyo qayabha kala duwan ee Somalia kuwasoo kulmineyso munaasabad lagu furayo garoonka diyaardaha ee cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM