Madaxweyne Gaas oo Addis Ababa kula kulmey madax African ah

Image
Image
Image
Image

April 23, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethiopia ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madax ka socota wadammada Afrika ee ka qayb galay shirkii Bahir Dar iyo diblumaasiyiin ka tirsan Midowga Yurub.

Masuuliyiinta uu la kulmay Madaxweyne Gaas waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Ra'iisul-wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamina Maxamuud, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone D'urso iyo wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Rwanda, Ethiopia, Tanzania iyo Botswana.

Kulammadaas intooda badan waxaa diirrada lagu saarey sidii laysaga kaashan lahaa adkaynta ammaanka Geeska Afrika, loona soo afjari lahaa kooxaha argagixisada ee ka jira gobolka.

Kulamadii kala duwanaa ee uu Madaxweyne Gaas la qaatay dhammaan madaxda uu la kulmay ayaa kusoo dhammaadey is afgarad, waxaana si wadajir ah loogu wada balamay in meel looga soo wada jeesto sugidda amniga Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM