Madaxweynaha PL oo furay mashruuca cagaarinta magaalooyinka

Image
Image

November 15, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta geedkii ugu horeeyey ee mashruuca cagaarinta magaalooyinka Puntland waxa uu ku talalaalay magaalada Garoowe, gaar ahaan wadada cusub ee isku xiri doonta madaxtooyada iyo magaalada inteeda kale.

Wasiirka Deegaanka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sidii magaalooyinka Puntland bilicdooda kor loogu qaadi lahaa islamarkaana bulshada reer Puntland laga doonayo kaalintooda inay ka qaataan.

Mashruucan oo Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo; Dalxiiska Punltnd iyo Hay,adda ADESO iska kaashanayaan waxaa laga fulin doonaa todobada degmo oo Puntland ka tirsan.

Horay ayaa Wasaarada Deegaanka waxa ballan qaaday in degmooyinka Puntland ay ka fulin doonto dhirayn(Cagaarin) si ay bilicda Magaalooyinka u soo baxaan,Abuuristan ayaa noqonysa hirgalinta balanqaadkii Wasaarada.

Mashruucan oo ah mid in muddo ah qorshihiisu soo socdey waxaa la filayaa in haddii sida loogu talo galay uu hir galo inuu wax badan ka bedeli doono bilicda magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM