Madaxweynaha PL oo la kulmey madaxa hay'adda UNDSS

Image

June 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Madaxa Hawl-gallada Qaramada Midoobay ee Amniga iyo Badbaadinta (UNDSS), Mr.Nick Loven Teen.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyey Mr.Nick Loven amaanka deegaanada Puntland, isagoo sheegay inuu yahay mid aad wanaagsan.

Loven Teen ayaa dhankiisa Puntland ku ammaanay horumarka ay gaartay , waxaana uu intaa raaciyey in Qaramada Midoobay ay marwalba garab taagan tahay Puntland kana taageerayso dhinac walba si loo dardar geliyo horumarka socda.

Madaxa hay'adda UNDSS ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobey ay Puntland ka taageeri doonto xoojinta amniga iyo la-dagaalanka Ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM