Madaxweynaha PL oo qaabilay ku-xigeenka cusub ee Nicholas Kay [DHEGEYSO]

Image
Image
Image

August 5, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Kui xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay ku xigeenka cusub ee wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Kullan gaar ah oo ay wada qaateen ayey uga hadleen arrimaha Soomaaliya , howlaha muhiimka ah ee Qaramada midoobay ka wado gudaha Puntland iyo weliba hirgelinta barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland.

Kadib markii uu soo dhammaday shirkaasi ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta qeybaheeda kala duwan ula hadlay Madaxweynaha Gaas iyo Danjire Peter de Clercq , iyagoo xusay in kulankaasi guul kusoo dhammaaday.

'' Waxaan sidookale ka wada hadalnay taageerada Qaramada Midoobay ee Puntland , hanoqoto xagga bini'aadanimada , arrimaha nabad-gelyada iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa dawladdnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadda '' Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Peter de Clercq ayaa dhankiisa Puntland ku amaanay horumarka ay gaartay, isagoo dhanka kale ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, sheegayna in Qaramada Midoobay ay sii wadayso taageerada dhinackasta ah ee ay siiso Soomaaliya .

Ugu dambeyn Madaxweyne Gaas ayaa qado sharaf u sameeyey Peter de Clercq iyo wefdigii balaarnaa ee uu hogaaminayey .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM