Madaxweynaha PL oo xilka ka qaadey gudoomiyaha gobolka Nugaal

Image

GAROWE Feb 1,2015 [GO]- Warar hordhac ah oo soo gaarey warsidaha Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas xilka ka qaadey gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Bumbe xilli uu wadanka dibadiisa safar ugu maqan yahay.

Gudoomiyaha cusub ee xilka loo magacaabey ayaa magaciisa la yiraahdaa Cabdulahi Ciise Aw-Axmad oo horey xilkaan u hayn jirey dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Cadde Muse Xirsi balse laga qaadey.

Xilka ka qaadistaan ayaa timid xilli maalmihii lasoo dhaafey muran xoogan ka jirey maamulka gobolka Nugaal kadib marii Gudoomiye Buumbe iyo ku-xigeenada halka la shegeey in cabashooyin ba'an ka yimaadeen qaybo kala duwan oo ka tirsan buslhada dagan gobolka Nugaal.

Gudoomiyaha xilka laga qaadey ayaa kamid ah dadkii olalaha doorashda kala shaqeeyey Cabdiweli Cali Gaas markii uu u tartamayey xilkaan madaxweynaha Puntland.

Garoweonline kala soco wararka kasoo kordha magacaabistaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM