Madaxweynaha Puntland la kulmey deeq bixiyaal Jarmal ka socda

Image
Image
Image
Image

16 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xarunta madaxtooyada Puntland ku qaabilsay saraakiil ka socda hay'adda kaalmada Jarmalka GIZ, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Galkacyo.

Labadan sarkaal oo lagu kala magacaabo Christoph Schmidt iyo Mark Patrick Deasy, ayaa kulanka ka sheegay inay dhawaan bilaabi doonto dayactirka wadada.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa tilmaamay in jidkan muhiim u yahay isku socdka bulshada, wuxuuna ka codsaday inay dhaqso u bilaabaan isaguna si dhaw ula socon doono.

Jidka laamiga ah ee isku xira Garowe iyo Galkacyo, ayaa waxaa ka muuqda bur-bur xooggan, waxaana dhiba kala kulma gaadiidka isticmaala, barnaamij arrintaasi wax looga qabanayo waxaa xariga ka jaray Madaxweyne Gaas, balse ma jirto ilaa hadda wax ka hirgalay.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM