Madaxweynaha Puntland oo aan weli kulamo la qaadan madaxda Kenya

Image

July 21,2015 (GO)_ Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo magaalada Garowe ka duuley July 18,2015 ayaa ku sugan magaalada Nairobi iyadoo wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayaan inuu degan yahay Hotelka la yiraahdo Penari.

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo ka dhoofey magaalo madaxda Puntland Garowe iyadoo ay ku sugan yihiin madaxweynaha Jubaland iyo Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid uusan weli wax kulamo ah la qaadan madaxda dalka Kenya.

Xogaha laga helayo safarka madaxweynaha Puntland ayaa sheegaya inuu damacsan yahay in kulamo la qaato madaxda dalka Kenya.

Madaxda dalka Kenya ayaa ku mashquulsan u diyaargarowga booqashada madaxweynaha Mareykanka ku imaanayo magaalada Nairobi maalinta Jimacaha ee fooda nagu soo haysa.

Madaxweynaha Puntland ayaa wadanka Kenya ku sugnaan doona ilaa maalinta Jimacaha soo socota oo ku beegan 24 July, 2015.

Warsdaha Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona wararka la xiriira booqashada madaxweynaha Puntland ku joogo dalka Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM