Madaxweynaha Puntland oo booqdey xarumaha UNICEF iyo UNSOM

Image
Image
Image
Image

April 27, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday xafiisyada Hay'adaha UNICEF iyo UNSOM ee magaalada Garoowe.

Ugu horeyn wuxuu xafiiska hay'adda UNICEF ku booqday maamulka iyo howl wadeenada hay'adda , isagoona u muujiyey dareenka uu ka qabo qaraxii dhowaan lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan UNICEF.

Gaas ayaa  sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay ka go’antahay adkeynta ammaanka shaqaalaha Qaramada Midoobey , haatana meel fiican ay marayso baaritaanka dawladdu ay ku hayso weererkii dhacay todobaad kahor.

Mrs. Mariana Hattinge  oo ah wakiilka Hay’adda UNICEF ee Puntland ayaa cadaysay inay sii wadayaan howlaha muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabka reer Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale booqday xarunta hay’adda UNSOM, waxaana uu halkaasi kula kulmay Madaxa hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtey dhowr qof oo lala xiriirinayo weerarkii todoabda qof ku dhimatey oo Al-shabaab la beegsatey gaari bas ah oo ay saarnaayeen qaar kamid ah hawl wadeenada UNICEF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM