​Madaxweynaha Puntland oo Bosaso ku laabtay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa galinkii dambe maanta dib ugu laabtay magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii uu dalka Jabuti uga qayb galay caleema saarka madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle.

Soo dhaweyn ayaa loogu sameeyay garoonka diyaaradaha magalada Bosaso halkaasi oo warbaahinta kula hadlay isagoo ka waramay safarkiisii iyo wuxuu kala soo kulmay.

Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay in socdaalkiisa dalka Jabuti uu guul kusoo dhammaaday islamarkaana ka qayb galeen caleemo saar heer sare u dhacay oo lagu maamuusayay dib u doorashada madaxweynaha dalkaasi.

Gaas wuxuu ka mahad-celiyay qaabka loo soo dhaweeyay, isagoo tilmaamay inay caleema saarka kadib wada kulmeen xubno katirsan dowladda waddanka Jabuti islamarkaana kawada hadleen qaabkii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta labada dhinac iyo iskaashi laga yeesho arrimaha amniga iyo ganacsiga.

Doorashada Somalia, ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan maadaama la galayo marxalad kala guur ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland, wuxuu tacsi u diray Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaas Cali, isagoo EEBBE uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo, samir iyo iimaanna ka siiyo idil ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu uma tacsiyeyn islamarkaana masoo hadal qaadin dilkii magalada Galkacyo loogu gaystay Cumar Maxamed Cabdille (Cumar Dheere), oo kamid ahaa hal doorka gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM