​Madaxweynaha Puntland oo Bosaso ku laabtay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa galinkii dambe maanta dib ugu laabtay magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii uu dalka Jabuti uga qayb galay caleema saarka madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle.

Soo dhaweyn ayaa loogu sameeyay garoonka diyaaradaha magalada Bosaso halkaasi oo warbaahinta kula hadlay isagoo ka waramay safarkiisii iyo wuxuu kala soo kulmay.

Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay in socdaalkiisa dalka Jabuti uu guul kusoo dhammaaday islamarkaana ka qayb galeen caleemo saar heer sare u dhacay oo lagu maamuusayay dib u doorashada madaxweynaha dalkaasi.

Gaas wuxuu ka mahad-celiyay qaabka loo soo dhaweeyay, isagoo tilmaamay inay caleema saarka kadib wada kulmeen xubno katirsan dowladda waddanka Jabuti islamarkaana kawada hadleen qaabkii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta labada dhinac iyo iskaashi laga yeesho arrimaha amniga iyo ganacsiga.

Doorashada Somalia, ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan maadaama la galayo marxalad kala guur ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland, wuxuu tacsi u diray Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaas Cali, isagoo EEBBE uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo, samir iyo iimaanna ka siiyo idil ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu uma tacsiyeyn islamarkaana masoo hadal qaadin dilkii magalada Galkacyo loogu gaystay Cumar Maxamed Cabdille (Cumar Dheere), oo kamid ahaa hal doorka gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM