Madaxweynaha PL oo dhagax dhigaya Hotel laga dhisayo Garowe

Image

GAROWE April 11, 2015 ( GO)- Madaxweynaha Puntland iyo Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa saaka dhigax dhigi doono dhisme Hotel weyn oo laga dhisi doono magaalada Garowe.

Dhismahaan Hotelka oo ay hirgalin doonaan ganacsato reer Puntland ayaa ku yaal meel aan ka fogeyn dhismaha madaxtooyada Garowe.

Hotelkaan oo la sheegey inuu noqon doona nooca loo yaqaan "Five Star" ayaa dhulkiisa waxaa horey u bixiyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole.

Munaasabadaan ayaa wararka ka imaanaya sheegayaan in goobta ku sugan yihiin ganacsato farabadan iyadoo madaxda dowlada Puntland iyo Federaalka kuwaasoo la filayo iney dhagax dhigaan dhiismahaan laga hirgalin doono magaalo madaxda Garowe.

Faahfaahin wararkaan kala socod Garowe Online anagoo codad iyo sawiro idiin soo gudbin doona.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM