Madaxweynaha Puntland oo diray hambalyada ayaamaha xoriyadda

Image

June 25, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan ugu hambalyeeyey maalmaha xoriyadda Soomaaliya oo inagu soo aadan , islamar ahaantaana ah maalmo taariikhi ah.

"Waxaan ugu horeyn hambalyeeyn maalinta 26-juun oo ah maalintii ugu horaysay ee dalka laga taagay calan Soomaaliyeed iyo maalinta xigta oo 27-juun ah oo ah maalintii xoriyadda walaalaheena Jabuuti iyo sidookale maalinta 1-da luulyo oo iyana nagu soo aadan" Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda reer Puntland u rajeeyey in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo , rabina uu ka saaro dhibaatooyinka dalka kajira .

"Waxaan rajeynaynaa inagoo mid ah Soomaali ah meelna uwada socda in aynu hanano dawladnimadeeni iyo qaranimadeeni si buuxda oo wanaagsan , dawladnimo Soomaaliyeed ayaa dhammaanteen ina deeqda"  Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynuhu.

Cabdiweli Gaas ayaa sidookale si gaar ah ugu hambalyeeyey shacabka iyo dawladda Jabuuti sanadguuradooda 38-aad ee ka soo wareegatay xornimadoodi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM