​Madaxweynaha Puntland oo gaaray Abu Dhabi

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali oo maanta ka dhoofay magalada Bosaso, ayaa galabta gaaray magalada Abu Dhabi waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Safarka madaxweyne Gaas, ayaa qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland lagu sheegay inuu salka ku hayo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac iyo kawada hadalka arrimaha, dhaqaalaha, siyaasadda iyo hormarinta kaabayaasha arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkan ku wehelinaya, wasiirka Dekedaha, gaadiidka badda iyo la dagaallanka burcad badeeda, taliyaha ciidamada PIA-da iyo saraakiil katirsan madaxtooyada.

Gaas ayaa nasasho kooban kadib loo gudbiyay gudaha magalada Abu Dhabi iyo halka uu kadagayo ee hotel "THE RITZ-CARLTON", waxaana la sheegay inuu goobtaasi ku sugnaan doono tan iyo inta uu kasoo idlaanayo safarkiisa Imaaraadka.

Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda sare, waxaana socdaalkan lagu sifeeyay matiqaad uu ka helay waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Gaas, ayaa muddooyinkii dambe socdaallo isdabo joog ah ku tagayay dalkaasi, dhawaan ayayna ahayd markii uu ka yimi isagoo hishiisyo la soo galay madax sare oo waddankaasi katirsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM