Madaxweynaha Puntland oo gaaray Jariiban, Mudug

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JARIIBAN-Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Jariiban ee gobolka Mudug, isagoo safar kusii ah deegaanka Garacad ee gobolkaas, waxaan madaxweynaha degmada soo dhaweyn ugu sameyay boqolaal dadka deegaanka kamid ah.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa la hadlay dadka soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in kooxa xagjirka ah laga sifayn doono deegaanada Puntland, isagoo dhinaca kale u mahadceliyay dhammaan ciidamada Puntland ee ka qayb galay dagaallada lala galay kooxaha lala xiriirinay Shabaab.

Wuxuu sheegay inuusan dagaalku weli dhammaan islamarkaana uu hadda bilowyahay, isagoo bulshada reer Puntland ku ammaanay inay ka qayb qaatan sidii cadowga looga sifayn lahaa deegaanada Puntland.

Gaas ayaa soo hadal qaaday maxaabiista laga qabtay Shabaab, wuxuuna tilmaamay in dhalintaasi oo u badnaa da'yar loo samayn doono dhaqan celin iyo hanuunin maadama ay yihiin carruur lasoo qalday.

Wafdiga Gaas ayaa la filayaa inay muddo kooban joogaan degmada islamarkaana maanta u gudbaan dhinaca Garacad, isagoo booqanaya goobihii lagu dagaallamay, waxaana madaxweynaha safarka ku wehilinaya xubno katirsan xukuumadda iyo saraakiil kale.

Wariyaha Radio Garowe ee wafdigaasi la socda, ayaa kusoo waramaya in xaaladu dagantahay maanta, wuxuuna tilmaamay in safarkan ujeedkiisu yahay qaabkii loo dhiiri galin lahaa ciidamada guulaystay ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM