Madaxweynaha Puntland oo Galkacyo dib ugu noqdey

Image

27 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa saaka aroortii ka amabaxey magaalada Garowe isaga oo ku wajahnaa magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.  

Gaas ayaa 25 October,2015 u yimid Garowe furitaanka Kalfadhiga 36-aad ee golaha Wakiiladda Puntland, kadib markii cadaadis lagu saaray inuu furo kulankaas.

Madaxweynahe Gaas ayaa ku sii hakadey degmada Burtinle gobolka Nugal, halkaas oo la qorshaynayo inuu kula kulmo guddiyada nabadaynta beelaha dhawaan ku dagaalaymay qaybo ka mid ah Puntland.

Muddo ka badan labo bilood ayaa madaxweynuhu ku sugnaa Galkacyo halkaas sheegey inuu ka wado hawlo bur-burin dhismayaal iyo mashaariic kale ee lagu hormarinayo gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa hortagay maalintii shaley golaha Barlamanka Puntland, isago la weydiiyay su'aalo la xiriira xaaladda Puntland.

Gudoonka golaha ayaa hesiis hoose madaxweynaha Puntland kula galey in xildhibanaada intooda badan ka aamusaan su'aalaha lagula xisaabtamayo xukuumadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM