Madaxweynaha Puntland oo Galkacyo ku soo laabtay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

10 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Mas'uuliyiin kala duwan iyo maamulka gobolka Mudug ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Galkacyo, waxaana uu saxaafada uga warbixiyay safarkiisa Kenya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in safarkiisa Nairobi ku soo dhammaaday guul, isagoo u mahadceliyay xubnaha soo dhaweeyay.

Nabadaynta ay wadaan waxgarad ka tirsan Puntland iyo Jubbaland ayuu ku amaanay kaalinta ka gaysanayaan sidii loo dhammayn lahaa dirirtii ka dhacay deeegaanada Qorilay, Cagaarane iyo Magaclay oo ka tirsan gobollada Nugal iyo Sool.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay colaadii ka taagneyd dhanka howdka in hadda meel fiican marayso , odayaashii howshaa galayna waan bogaadinayaa , mar kalana waxaan ku baaqayaa in Nabadda la adkeeyo " Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Gaas ayaa asbuucii hore tagay dalka Kenya, waxaana intii uu joogay la kulmay safiiro ka tirsan kuwa midowga Yurub, madax ka tirsan beesha caalamka, iyo bulshada reer Puntland ee dalka Kenya, isagoo sheegay inuu kala hadlay arrimo la xiriira hormarinta mashaariicda Puntland iyo xoojinta amniga.

"Sidoo kale waxaan la kulanay jaaliyadda Puntland, iyana wadanka ayaan uga waranay isbadalka wanaagsan ee ka socda , waxaana rajeyn in isbadalkaasi ka muuqdo hay’addo badan oo ay khusayso " Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa dhawr jeer oo hore tagay Kenya, waxaana imaanshihiisu ku soo beegmayaa xilli waxgarad ka tirsan Puntland iyo Jubbaland wadaan sidii nabad loo dhex-dhigi lahaa beelaha dirirtu ku dhexmartay qaybo ka mid ah Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM