​Madaxweynaha Puntland oo Garowe yimi

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Waxa galinkii dambe maanta magalada Garowe soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas", kuwaas  oo saaka kasoo amba-baxay magalada Bosaso. 

Soo dhaweyn ayaa loogu sameeyay duleedka Bari ee Caasumadda Puntland, waxaana halkaas kaga hortagay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, xubno katirsan labada gole ee dowladda, maamulka degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. 

Madaxweyne Gaas ayaa soo dhaweyn kadib loo gudbiyay xarunta Madaxtooyada, halkaas oo kula hadlay wabaahinta isago ka warbaxshay safarradii uu ku maqnaa, wuxuuna sheegay inay dhaammaantood guul ugu soo dhaammadeen. 

Arrinta shirka madatashiga ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna xusay in go'aankaas ku qanacsanayn, kana turjumayn rabitaanka shacabka reer Puntland, isagoo tilmaamay inay dhawaan bilaabayaan wadatashiyo ku aaddan qorshaha lagu salaynayo doorashada Somalia 2016. 

Cabdiwali Maxamed Cali, mar uu ka hadlay xaaladda Puntland, wuxuu kadigay waxyaabaha horseedi kara xasilooni darrada isagoo ku baaqay in la adkeeyo hormarka iyo kala dambaynta dalka ka jirta, isagoo ku goodiyay hadii arrintaasi la joojin waayo in dowladdu gacan bir ah ku qaban doonto cid kasta oo wada falal amni darro. 

Madaxweyne Gaas ayaa muddo dhan bil waxa uu ku maqnaa safarro uu ku tagay magalada Bosaso, Muqdishu iyo xarunta maamulka Jubbaland isagoo halkaas uga qayb galay shirar ku saabsan doorashada Somalia marka laga reebo magalada Bosaso. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM