Madaxweynaha Puntland oo hambalyo u direy Axmad Madoobe

Image

15 August, 2015 (GO)- Madaxwaynaha Puntland ayaa galabta hanbalyo u diray madaxwaynaha Jubbaland oo maanta lagu doortey doorasho ka dhacday magaalada kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa hanbalyada u diray Axmed Maxmed "Madoobe" isagoo madaxwaynuhu uu sheegay inuu shacabka dowlada Puntland uga waddo hanbalyo waxaana uu xusay inuu ku faraxsanyahay doorashadaasi uu kusoo baxay Axmed Maxmed Islaam.

Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa waxaa cod aqlabiyad ah siiyey 68 xildhibnaan oo ka tirsan Barlamanka Jubaland.

Dowlada Federaalka ayaa waxaan welii kasoo bixin qoraal rasmi ah oo ay kaga hadleyso doorashada ka dhacdey maanta magaalada Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM