Madaxweynaha Puntland oo kormeerey xarumo

Image

BOSASO- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer ku tagay xarumo dhawr ah kuwaas oo isug jiray goobo ay ku shaqeeyaan hay'adaha dowladda qaybtood iyo dekeda magalada Bosaso oo dhawaan la ballaarin doono.

Xarumaha madaxweyne Gaas tagay, waxaa kamid ahaa xafiiyada ku shaqeeyaan, wasaaradaha, Maaliyadda, Kalluumaysiga, Dekedaha, Ganacsiga, waxaana goobaha uu tagay warbixino kaga dhagaystay qaar kamid ah mas'uuliyiintii kusugnaa.

Gaas ayaa kormeer ka sokow, xubnaha uu lakulmay kula dardaarmayay inay kor u qaadaan shaqada ay u hayaan shacabka reer Puntland, halka kuwa uu kadareemay shaqo wanaag ku dhiiriyay inay sii xoojiyaan.

Maaha markii ugu horaysay Madaxweyne Gaas booqdo xarumo dowladeed, wuxuuna booqasho kadis ah horay ugu sameeyay gooba ay ku shaqeeyaan hay'adaha dowladda magalada Garowe, wuxuu waqtigaas la kulmay xarumo la joogo iyo kuwa qafillo ku xiranyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM